Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2025
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan
Isniin, April 7, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay saqdii dhexe ku dhexmaray deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaan oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.
Labada dhinac ayaa lasoo wariyay inuu halkaas ku dhexmaray dagaal culus oo ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo jugtiisa laga maqlaayay meelo ka fog fog deegaanka.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee wali lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin fariisimahoodii deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kale saakay deegaankaas iyo deegaanada ku dhadhaw lagu arkaya diyaarado dagaal oo dul heehaabaya iyadoo suurtagal tahay in diyaaradahaan fuliyaan duqeymo ka dhan ah Al-shabaab.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.