Hiiraan Online
4/25/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2025
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo maanta dib u la wareegay deegaanka Ruunirgood
Isniin, April 7, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iney si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ruunirgood.
Ciidamada is kaashanaya ayaa ku guuleystay iney burburiyaan fariisinahii kooxdu ku laheyd mudooyinkii lasoo dhaafay deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadu ka wadaan gudaha deegaanka Ruunirgood howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanka.
"Ciidamada, oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, kuwaas oo hadda firxadkooda la dabajoogo" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.
Dib ula wareegista deegaanka Ruunirgood ayaa ka dhigan inuu sii xoogeysanayo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee bilahii lasoo dhaafay ka socday gobolka Shabeelaha Dhexe.