4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2025
Alshabaab oo soo bandhigtay muuqaal cusub oo ku saabsan dagaalamayaasheeda ku sugan buuraha Calmadow ee Puntland
 

Isniin, April 7, 2025 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horraysay muddo kaddib baahisay qeybtii ugu horreysay muuqaal cusub oo ay fariimo dhiirrigelin ah ku dirayaan dagaalamayaasheeda ku sugan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag ee Puntland.

Muuqaalkan, oo lagu faafiyay boggaga internetka ee warbaahinta kooxda, ayaa lagu arkayaa dagaalamayaal ammaanaya waxa ay ugu yeereen “adeeg iyo naf-hurid,” iyaga oo ballanqaadaya inay sii wadi doonaan dagaallada ay ku hayaan Puntland.

Siideynta muuqaalkan ayaa loo arkaa inuu qayb ka yahay dadaallada kooxda Alshabaab ee lagu xoojinayo taageerada gudaha iyo qorista dagaalamayaal cusub, xilli uu maamulka Puntland qorshaynayo inuu howlgallo ka bilaabo Calmadow.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo xooggan oo ka socda buuraha Cal Miskaad, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro joogitaanka kooxda Daacish ee buuraleyda gobolka Bari.

Ilaa iyo hadda, maamulka Puntland kama uusan hadlin muuqaalka cusub ee kooxda, balse ilo-wareedyo ciidan ayaa sheegaya in Alshabaab ay isku diyaarinayso iska caabinta howlgallada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa dhawaan sheegay in howlgalka Calmiskaad kaddib, uu bilaaban doono howlgalka buuraha Calmadow, si loosoo afjari Shabaabka halkaasi ku sugan.

Falanqeeyeyaasha amniga ayaa tilmaamaya in siideynta muuqaalladan ay qeyb ka tahay istaraatiijiyad ballaaran oo kooxda Al-Shabaab ay ku raadineyso saameynta warbaahinta caalamka.