Isniin, April 7, 2025 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa si diirran waxay bu soo dhoweeyeen soo-jeedinta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan qabanqaabada gogol qaran oo ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.
Ujeeddada gogashan ayay dowladdu ku sheegtay, in la mideeyo aragtiyaha iyo dadaallada lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo dimuqraadi ah kuna saleysan nidaam federaal ah.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen saaxiibada caalamka kaddib khudbaddii Madaxweynaha ee Ciidda, ayaa lagu xusay muhiimadda ay leedahay istaraatijiyad mideysan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan saamileyda siyaasadeed iyo bulshada, si looga adkaado Al-Shabaab, loona dardargeliyo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya.
“Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee hormuudka ah ka bixiyeen hindisaha Madaxweynaha. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, iyo dhammaan saamileyda kale inay si degdeg ah u kulmaan si loo gaaro mowqif midaysan oo wax ku ool ah,” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka kasoo baxay.
Saaxiibada caalamiga ah waxay si gaar ah ugu dhiirrigeliyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay qaataan go’aanno cad-cad oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, dastuurka, iyo doorashooyinka si loo abuuro jawi lagu kasban karo taageero dheeraad ah oo caalami ah.
Sidoo kale, waxay ammaan u jeediyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo ku sugan furimaha dagaalka, gaar ahaan kuwa ka hortagga is-ballaarinta Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Ugu dambeyn, bayaan wadajir ah ayaa lagu adkeeyay taageerada joogtada ah ee beesha caalamku u heysto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro nabad waarta, dimuqraadiyad dhab ah, iyo horumar guud.