4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2025
Booliiska Somaliland oo ku hanjabay in uu tallaabo ka qaadayo qofkii lagu helo hadallo bulshada isku diraya
 

Talaado, April 8, 2025 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadayo qof kasta oo lagu helo inuu bulshada dhexdeeda ku baahinayo hadallo isku dir iyo colaad abuuri kara.

Amarka booliiska ayaa yimid kadib salaadiin warbaahinta mariyay hadallo keeni kara colaad, maalmihii la soo dhaafay. Taliyaha Booliiska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan 'Cabdi Dheere', ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan cid kasta oo isku dayda inay bulshada isku dirto.

"Qofku haddii aanu hadalkiisa u meeldayin oo uu ummadda isku dirayo, innaga ayaa u idman in aynu qabano, innaga ayaa sharcigii ah, waana qabanaynaa oo sharciga ayaan horgeynaynaa," ayuu yidhi Cabdi Dheere. "Waxa inagu soo badanaya dad iska hadlaya oo ummad isku diraya, afku wuxuu la xoog badan yahay magliga xawda kaa jara."

Salaadiinta hadalkoodu sababay amarka booliiska ayaa hore u sheegay in Taliyaha Sirdoonka Somaliland uu amray in la jidh-dilo askari ka tirsan ciidanka sirdoonka, haybtiisa awgeed. Hadalkaas ayaa markii dambe beenoobay, iyadoo waalidka askarigu sheegeen in la xidhay askariga kadib markii uu qof baabuur ku jiidhsiiyay, balse ayna jirin wax jidh-dil ah.

Waxaa sidoo kale jiray odayaal kale oo si kulul ugu jawaabay salaadiintaas, iyaga oo iyana warbaahinta  mariyay hadallo xanaf leh, taasoo keentay in bulshada qaarkood ay ciidanka booliiska ugu baaqaan inay wax ka qabtaan dadka warbaahinta u adeegsanaya hadallada dhiillada leh.

Odayaasha dhaqanka, oo ah tiir-dhexaadka nabadda isla markaana sharaf weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed, ayaa mararka qaar ku kaca hadallo qabyaaladaysan oo ay bulshada ku kala dilayaan, taasi oo sababta colaad iyo haybsooc.