Talaado, April 8, 2025 (HOL) - Dagaal culus ayaa saakay markale dib uga qarxay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya ciidamada iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar culus ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku galay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in maleeshiyada laga saaray deegaanka Aboorey, islamarkaana haatan ciidamadu sii baacsanayaan firxadka kooxda ee dagaalka looga saaray aaga deegaanka Abooreey.
"Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab waxaa ku socda hawlgal saf ballaaran ayadoo lagu hayo weerarro joogto ah waxaana hawlgalladii ugu dambeeyey ay ka socdaan nawaaxiga degmada Runirgood, deegaannada Guulane iyo Ceel Cali Axmed oo gobolka Shabeelada Dhexe ka tirsan iyo deegaanno dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale sheegtay dhamaan hawlgallada iyo weerarada ka dhanka ah kooxda ee ka socda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe in jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxda Al-shabaab.
Ururka Al-shabaab oo mudooyinkii dambe xoogga saaray weerarada ay ka geysanayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa haatan u muuqda kuwa usoo wareegay gobolka Hiiraan, kadib markii ciidankii Macawiisleeyda gobolka Hiiraan loo daabulay gobolka Shabeellaha Dhexe si ay uga xureeyaan kooxda.