4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgalo maanta laga fulisay gobolada Hiiraan iyo Shabeellooyinka
 

Talaado, April 8, 2025 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo maanta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgalada maanta jab xoogan ku gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, kuwaas oo si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Aboorey, Masjid Cali Gaduud, Ruunirgood, Guulane iyo deegaan hoostaga degmada Afgooye.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa ugu horeyn sheegay ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaanka maanta howlgal culus kooxda kaga saareen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

"Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka Saakay waxay si awood ah deegaanka Aboorey kaga xureyeen Khawarijta oo weerar laba jiho ah oo deegaankaas ciidamadu ku qaadeen waxay Khawarijta kaga dileen in ka badan 20 dhagar qabayaal" ayuu yiri Afhayeen Abuukar Maxamed.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Afhayeenka in maanta ciidamada is garabsanaya deegaanka Masjid Cali Gaduud ka fuliyeen weerar lagu burburiyay ilaa sadax baabuur oo Cabdi bileyaal ah oo ay wateen Al-shabaab, islamarkaana lagu laayay maleeshiyaadkii la socday gaadiidkaas.

Deegaanka Guulane oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale afhayeenka uu sheegay in howlgal maanta ka dhacay lagu dilay xubno ka tirsana Al-shabaab.

"Deegaanka Guulane waxaa maanta howlgal laga fuliyay lagu dilay xubnood oo Khawarij ah, waxaa sidoo kale deegaan hoostaga degmada Afgooye lagu dilay in ka badan 10 dhagar qabe iyo hojooge ka tirsan Khawarijta" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Maxamed.

Howlgaladaan maanta ka dhacay deegaanada ka kala tirsan Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Hoose ayaa qeyb ka ah howlgalada dowladda Soomaaliya ku dooneyso iney guud ahaan dalka kaga xureyso Ururka Al-shabaab.