Talaado, April 8, 2025 (HOL) - Howlwgalka AUSSOM ayaa si kulul u cambaareeyay weerar Axaddii lagu qaaday ciidamadooda ee ka dhacay tuulada Buurane, degmada Mahaday ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaana weerarkaasi geystay kooxda Al-Shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AUSSOM ayaa lagu sheegay, in ciidamada Midowga Afrika ay goob diyaaradeed u nadiifinayay diyaarad helicopter ah markii weerarka lagusoo qaaday.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamadooda ay si degdeg ah uga falceliyeen weerarka, iyagoo sheegay inay dileen hal dagaalame oo katirsanaa kooxda Alshabaab.
“Tallaabadan fulaynimada ah ee lagu adeegsaday ciidankeenna ma wiiqi doonto go’aankeenna ah inaan xaqiijino nabad waarta oo shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer u hanweynaayeen,” ayuu yiri Madaxa AUSSOM, Sivuyile Bam.
“Waxaan sii wadi doonaa taageerada aan siineyno Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed si ay ula dagaalamaan Al Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee sharci darrada ah,” ayuu yiri.
Mr. Bam ayaa ammaanay ciidanka Burundi ee AUSSOM doorkii ay ka qaateen ka hortagga weerarka iyo yareynta khasaare.
Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah askartii AUSSOM ee ku dhaawacantay weerarkaas.