6/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2025
SSC-Khaatumo oo ka jawaabtay hanjabaaddii Somaliland ee la xidhiidhay booqashada Raysal Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood
 

Talaado, April 8, 2025 (HOL) - Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay awood buuxda u leeyihiin sugidda ammaanka Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo socdaal ku tegi doona magaalada Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in Wasiir Ayaanle aanu wax xog ah u haynin awoodda ciidamada SSC-Khaatumo iyo tan ciidamada Somaliland, taas oo sababtay, inuu ku hanjabo in ay awood ciidan kaga hortagi doonaan imaanshaha Raysal Wasaaraha.

“Hadalkaasi waa hadal aan waaqaca sal ku laheyn, waxaana suurtogal ah in xog-ogaal la’aan darteed uu Wasiirku hadalkaas ku dhaco. Haddii xuduudaha maamulka SSC-Khaatumo xitaa 1% aanu ka qabno shaki, cidna maanaan martiqaadeen. Waxaanu ku filannahay sugidda ammaanka SSC-Khaatumo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Najiib waxa uu Wasiir Ayaanle ku tilmaamay nin aan xor ahayn, hadalkiisana uu ka dhashay cadaadis iyo gumeysi uu ku jiro, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay nabadgelyo-darro ka wado gobolka Geeska Afrika, sidaa darteedna haddii ay qaaddo tallaabooyin kale, ay iyadu qaadi doonto masuuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha.

Wasiir Ayaanle oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa ka digay booqashada la filayo in Raysal Wasaare Barre ku tago magaalada Laascaanood, isaga oo socdaalkaas ku tilmaamay mid qalalaase ka abuuri kara deegaannada SSC, isla markaana ku hanjabay in ay awood kaga hortagi doonaan haddii ay khasab noqoto.