4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2025
Fahad Yaasiin oo sheegay in Ciidanka Qaranka ay ku baaba'ayaan Shirqool Carbeed
 

Arbaco, April 9, 2025 (HOL) - Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka, saddexdii sano ee u dambaysay, ay u gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay.

Fahad Yaasiin waxa uu tilmaamay in shirqoolkaasi ay fuliye ka noqdeen laba qof oo si toos ah xilal uga soo qabtay xafiisyo awood u siinaya iney hirgaliyaan qorshaha shisheeyaha, waxayna adeegsadeen habab arxan darro ah.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka intii ay jireen, dhibaatada ay u geesteen ciidanka qaranka labadaas qof, waligeed mid lamid ah in aysan soo marin.

"Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin iney helaan sharraxaad qeexaysa nooca shirqool ee loo dhigay Ciidanka Xoogga, Labadaas, mid kamid ah wuxuuba ahaa laba kaarle, oo hal qorshe ayuu ugu adeegayey shisheeye iyo Shabaab oo isku ajande ah, balse kala hadaf ah" ayuu yiri Fahad Yaasiin.

"Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleesteen iney xilka Wasaaradda u dhiibaan xiligii Madaxweynihii hore, waxayse ku fashilmeen fulinta shirqoolkoodii, Nasiib darro, isla Wasaaraddii ayaa lagu soo celiyey, si uu u fuliyo qorshihii. Midka kalena, xilka ugu sarreeya Xoogga Dalka ayuu qabtay, oo Madaxweynaha jooga ayaa u dhiibay" ayuu qoraalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Fahad Yaasiin ayaanan cadeeynin labada mas'uul ee uu qormadiisa kaga sheekeyay inay yihiin kuwa wakiilo uga ah wadamada carbeed shirqoolada lagu burburinayo ciidanka Xooga Soomaaliyeed.