Arbaco, April 9, 2025 (HOL) - Xubnaha guddiga heer Qaran ee Taageerada dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah Isbitaalada ay jiifaan ciidamada kusoo dhaawacantay howlgalada dalka looga xureynaayo Al-shabaab.
Xubnahaan oo uu hoggaaminaayay Raysal Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, anha guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Taageerada la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish ayaa booqday Isbitaalada kala ah Isbitaalka Xoogga dalka, Erdogan Ex Digfeer, Madiina iyo Martiini oo ah Isbitaalada sida gaarka ah loogu daryeelayo dhaawacyada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.
Raysal Wasaare ku xigeenka labaad iyo xubnaha gudigiisa ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada jiifa Isbitaalada, iyagoona u balan qaaday dhaawacyada in dowladda ay la garab taagantahay daryeel walba oo ay u baahan yihiin.
Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Taageerada la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish ahna Raysal wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa sheegay in guddiga uu yahay mid si guud uga howlgali doono gobolada dalka.
"Guddigan waa guddi Qaran waxa uu ka howlgalaya dhamaan gobolada dalka, waxayna si buuxdo u garab taagan yihiin geesiyaasha Qaranka, kuwa deegaanka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, shacabka Soomaaliyeed, ganacsatada iyo shirkadaha dhamaan waxaan ugu baaqeyna iney taageero dhaqaale lasoo garan istaagaan geesiyaasha u taagan xureynta dalka" ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali.
Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa sheegay in haatan kooxda Al-shabaab ay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay, islamarkaana loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed u midoobaan ciribtirka kooxda Al-shabaab.
Gabagabadii Raysal Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka iyo xubnaha guddiga ayaa kula dardaarmay dhaqaatiirta iney si hufan ugu adeegaan geesiyaasha u dhaawacmay halganka dalka looga sifeynayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.