4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Geeddi socodka Khartoum oo ka dhacay Qaahira
 

Arbaco, April 9, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar uga qeyb galay shirka labaad ee heer Wasiir ee Geedi socodka Khartoum.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay in ka badan 50 dowladood oo matalayay wadamada Yurub, Geeska Afrika, Wakiillo ka socday Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah, waxaana diirrada lagu saaray dadaalada lagula dagaalamayo socdaalka sharci darada iyo ka ganacsiga dadka.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay dowladda Masar oo laheyd shir guddoonka, isagoona sheegay in geedi socodka Khartoum uu yahay wax ka run sheegaya xaaladaha is beddelka leh ee arrimaha socdaalka, sidoo kalana muhiim u ah wadahadal wax ku ool ah.

"Dadaalka badan ee lagu xoojinayo hababka isuduwidda iyo dejinta siyaasadaha ku aaddan xuquuqaha, ee dhowraya farqiga u kala dhexeeya lab iyo dhedig, xalna u raadinaysa sababaha ku askumay socdaalka sharci-darada ah ee loo yaqaan "tahriibka" hannaanka socdaalka oo halbowle u noqda iskaashi sarreeya lagu maareyn karo, laguna ilaalin karo xaqa soogalootiga, dib-u-celinta iyo ku dhex-milankooda bulshada iyo burburinta shabkadaha dembiyadani abaabula" ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale soo dhoweeyay ku soo noqoshada Suudaan ee madasha, isagoo xusay in Soomaaliya ay hindistay in howsha la sii ambaqaado xilli ay adkayd, haatana ay soo dhawaynayso dib u hanashada Suudaan kursigeeda matalaadda.