4/25/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2025
Mareykanka oo dib uga noqday go’aankii lagu jaray deeqihii degdegga ahaa ee WFP ee Soomaaliya
 

Arbaco, April 9, 2025 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay dib uga laabatay go’aan hore oo ay ku jartay deeqihii degdegga ahaa ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee loo qoondeeyay 14 dal oo sabool ah, Soomaaliya ay ka mid tahay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in qaar ka mid ah qandaraasyadii lagu bixin lahaa gargaar badbaado ah si qalad ah loo jaray.

Jaristaasi ayaa si toos ah u saameysay nolosha lix milyan oo qof oo Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahay cunto yari ba’an.

Hoos u dhaca guud ee deeqaha bani’aadamnimo ee Bariga Afrika ayaa si weyn u dhaawacay barnaamijyada samafalka ee Soomaaliya, halkaas oo malaayiin qof ay la tacaalayaan xaalado nololeed oo aad u adag.

Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa digniin adag ka bixisay khatarta yaraanshaha deeqaha, iyadoo sheegtay in haddii hoos u dhac kale yimaado, malaayiin qof ay si buuxda ugu dhici karaan xaalad macaluul daran.

Bishii Maarso ee sanadkan, WFP ayaa sheegtay in 3.4 milyan oo Soomaali ah ay durbaba ku sugan yihiin heerar halis ah ama ka sii daran oo cunto yari ah. Hay’addu waxay sidoo kale shaacisay in laga bilaabo Abriil 2025 ay caawimaad raashin iyo mid lacageed siin doonto 820,000 oo qof bishii, halka 2024 ay gaarsiisay 2.2 milyan oo qof bishii.

Maxamed Cilmi Afrax, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha gargaarka iyo falanqeeye siyaasadeed oo muddo dheer ka shaqeynayay gudaha Soomaaliya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in saameynta dhimista deeqaha ay tahay mid caalami ah, balse “si gaar ah u saameyneysa qaaradda Afrika.”

“Gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya wuxuu laf-dhabar u yahay nolosha dadka gudaha ku barakacay, kuwa colaadaha saameeyeen iyo bulshooyinka kale ee nugul ee si buuxda ugu tiirsan caawimaadda gargaarka,” ayuu yiri Afrax.