Jimco, Agoosto 1, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Jakarta kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dhinac.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah ASEAN, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo xiriirka istaraatiijiga ah.
Wasiir Cabdisalaam ayaa xusay muhiimadda ay Soomaaliya u aragto in ay hesho joogitaan rasmi ah oo gudaha ururka ah, si ay sare ugu qaaddo xiriirka ay la leedahay waddamada gobolka.
Dr. Kao Kim Hourn ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta xiriirka ASEAN.
Wuxuu sheegay in ururku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo mudan in si dhow loola shaqeeyo.
Kulankaasi ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay ururrada iyo dalalka muhiimka ah ee gobolka Koonfur Bari Aasiya, iyada oo diiradda saareysa iskaashi wax ku ool ah oo dhinaca horumarka iyo waxbarashada ah.