Jimco, Agoosto 1, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga soo horjeedsatay maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood, waxayna Dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay colaad ka hurinayso deegannada Sool iyo Sanaag.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in xuduudaha rasmiga ah ee Somaliland ay yihiin kuwii uu ka tagay Ingiriisku, isla markaana sannadkii 1991-kii ay shacabka Somaliland si buuxda ula soo noqdeen madax-bannaanidooda kadib burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si ula kac ah uga shaqaynayso sidii ay colaad uga hurin lahayd gudaha Somaliland.
“Waxaa la yaab leh in maanta maamulka Muqdisho uu u heensaystay marin habaabin ka fog xaqiiqada, oo uu isku dayayo in uu colaad ka alooso Somaliland, isla markaana uu sheegto gobollo ka tirsan Somaliland sida Sool, Sanaag iyo Togdheer. Sheegashadaasi waxay muujinaysaa sida ayna aqoon ugu lahayn deegaanka iyo dhulka ay ka hadlayaan,” ayuu yidhi Wasiir Carab.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in lacagaha ay beesha caalamku siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay dib ugu dhisto dalkeeda isla markaana ugula dagaalanto argagixisada, loo adeegsanayo sidii loogu burburin lahaa Somaliland.
Waxa uu intaa ku daray in gobollada laga dhisay maamulka cusub ee Waqooyi Bari ay badi gacanta ugu jiraan Somaliland, marka laga reebo goobo kooban, oo uu ku tilmaamay “tuulooyin yaryar.”
“Maanta Somaliland marnaba kama gaabin doonto masuuliyadda ka saaran difaaca dadkeeda iyo dalkeeda. Madaxweynaha Somaliland waxa uu berri isugu yeedhay golihiisa xukuumadda, kulan lagaga tashan doono arrinta ay wado xukuumadda fashilka ah ee Muqdisho,” ayuu yidhi wasiirku.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero buuxda u muujisay maamulka cusub ee Waqooyi Bari ee dhawaan lagu dhawaaqay, kaasi oo la sheegay in uu ka talin doono gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, inkasta oo hadda dhul badan oo ka mid ah gobolladaasi aanu gacanta ku hayn.
Shirka berri ka qabsoomi doona Madaxtooyada Somaliland ayaa la filayaa in si adag loogu cambaareeyo tallaabada dhismaha maamulka cusub, isla markaana laga soo saaro go’aamo cadaynaya sida ay Somaliland arrintaasi u aragto.
Dhanka kale, xukuumaddu waxay gogol nabadeed dhigtay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana la filayaa in beelaha wada dega gobolka Sanaag ay dhawaan iskugu yimaaddaan magaalada, si loo xoojiyo nabadda.
Puntland ayaa dhankeeda sheeganaysa gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo sheegtay in aanay aqoonsanayn maamulka lagaga dhawaaqay Laascaanood, isla markaana gobolladaasi ay qayb ka yihiin Puntland.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maamulka cusub u arka fursad ay kaga raystaan xukunadii kala dambeeyay ee Puntland iyo Somaliland oo aanay ku qanacsanayn. Ciidamada Somaliland ayaa laga saaray magaalada Laascaanood sannadkii 2023.