8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 10, 2025
Shir u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Golaha Samatabixinta oo maanta lagu wado inuu ka qabsoomo Muqdisho
 

Axad, Agoosto 10, 2025 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa inay mar kale isku arkaan xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha Mucaaradka shir xasaasi ah oo ay kaga doodi doonaan arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurka dalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbada siyaasadeed ee ugu adag ee ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo kala ah, Wax ka beddelka Dastuurka KMG ah.

Golaha Samatabixinta ayaa dhaliil xooggan ka muujiyay isbeddellada lagu sameeyay dastuurka, iyaga oo sheegay in aan laga talo gelin dhammaan saamileyda siyaasadeed, taasoo dhaawici karta kalsoonida lagu qabo geeddi-socodka siyaasadeed, waxaana dooda ugu xoogan ay ka taagan tahay cutubka 4aad ee Dastuurka KMG ah.

Sidoo kale Waxaa muran xooggan ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2026, Dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay inay doonayso in doorasho qof iyo cod ah laga hirgeliyo guud ahaan dalka, halka mucaaradku ay dalbanayaan in marka hore la helo xaalad amni iyo heshiis qaran oo sal adag leh iyo doorasho heshiis lagu wada yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la isu yimaado si wadajir ahna looga hortago khataraha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Horey Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu muujiyay diyaar u ahaansho Dowladiisa inay jilciso mowqifyadii hore si loo gaaro is-afgarad loona diyaar garoobo doorasho heshiis lagu yahay.

Golaha Samatabixinta ayaa ku adkaysanaya in geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka lagu saleeyo heshiis ballaaran oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka maanta dhacaya ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara xasilinta xaaladda siyaasadeed ee dalka, haddii laga miro dhaliyo, Inkasta oo wali heshiis kama dambeys ah la gaarin, hadana kulankan ayaa astaan u ah in dhinacyadu ay diyaar u yihiin wadahadal iyo isu tanaasul.