8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 10, 2025
Ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM oo howlgalo culus ka wada Shabeellaha Hoose

Axad, Agoosto 10, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka oo garab ka helaya ciidanka dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgalo wadajir ah ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadaan iskaashanaya ayaa howlgalada xooggooda ka wada tuulooyinka hoostaga Bariire oo maalin lanhor ciidamadan si buuxda ugala wareegeen kooxda Al-shabaab, kadib dagaalo culus oo mudo todobaad ah halkaasi ka socday.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee horkacaayo howlgalada ayaa howlgalada ku sheegay iney yihiin kuwa si buuxdo loogu xaqiijinaayo amniga deegaanka Bariire iyo deegaanada ku dhadhaw.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in deegaanada hoostaga Bariire si weyn loogu arkayo diyaaradaha duulliye la’aanta ee Drones-ka iyo kuwa Qumaatiga u kaca oo dul wareegaya hawada deegaanadaas oo wali la tuhunsan yahay in kooxdu qeybo ka mid ah kaga sugan tahay.

Si kastaba ha ahaatee howlgaladaan sida wadajirka ah uga wadaan deegaanka Bariire ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Uganda ayaa ah mid daba socda howlgalo mudo todobaad ah qaatay oo Al-shabaab looga xureeyay deegaanka Bariire, kaasoo dowladda Fedaraalka ku tilmaamtay isgoys muhiim u ah dagaalka Al-shabaab ee ka socda gobolka Shabeelllaha Hoose. 

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan inta guud ahaan dalka laga ciribtiraayo maleeshiyaadka Al-shabaab.