8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 10, 2025
Puntland: Dadka Sool iyo Sanaag waa reer Puntland, Maamul la aqoonsan yahay ma Jiro
 

Axad, Agoosto 10, 2025 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in maamulka Waqooyi Bari ee lagu aas aasay magaalada Laascaanood uu wiiqay rajadii shacabka reer Sool iyo reer Cayn ay ku aas aasteen maamulkoodii SSC Khaatumo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cilmi Lugatoor, ayaa sheegay in Puntland ay taageersanayd rabitaanka dadka labada gobol ee Sool iyo Cayn inay sameystaan maamul u gooni ah, balse ku darista gobolka Sanaag ay tahay arrin aan la aqbali karin.

Ilyaas Lugatoor wuxuu intaas ku daray in dadka gobolladaas ku dhaqan ay masiirkooda farta ka saareen siyaasiyiin xil doon ah oo ka socda Dowladda Federaalka, kuwaas oo uu sheegay in aysan wax dan u haynin shacabka gobolladaas.

“Waxaan isleennahay shirkan cusub ee la furay wuxuu baabi'iyay oo uu aasay taladii hore ee lagu dhisay maamulka SSC Khaatumo,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dadka Sool iyo Sanaag ay yihiin reer Puntland, isla markaana mowqifkoodu yahay mid cad, islamarkaana aysan jirin wax maamul ah oo la aqoonsan yahay oo hadda ka jira.

Hadalka Lugatoor ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in gobolada Sool iyo Sanaag ay ka baxeen gacanta maamulada sheegan jiray, hadda kadibna ay yihiin Dowlad Goboleed rasmi ah.