Axad, Agoosto 10, 2025 (HOL) - Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in saakay aroortii hore lagu dilay Cabdullaahi Abuukar Cali, oo ahaa horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay taliska, howlgalka ayaa billowday abaare 7:00 subaxnimo, waxaana lagu beegsaday shabakad Al shabaab ah oo muddooyinkii u dambeeyay ka howlgalaysay deegaankaas.
Horjoogahaan ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa kooxda Al-Shabaab ee gobolka Bakool, Waxaa la sheegay in uu horey u soo qabtay xilal kala duwan, waxaana waqtigan uu ahaa, Madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka Bakool iyo askareynta carruurta, isagoo si qasab ah ugu daraayay maleeshiyaadkoodi carruurta yaryar.
Taliska ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday, islamarkaana lagu burburiyay shabakad Shabaab ah oo si qarsoodi ah uga howlgalaysay deegaanka Warta Eey Duure.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Howlgalka waxa uu ahaa mid si xeel dheer loo qorsheeyay, laguna fuliyay bartilmaameedyo cadcad oo cadowgu lahaa, Waxaa lagu dilay horjoogayaal muhiim ah, laguna burburiyay saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.”
Taliska wuxuu xusay in ciidanka ay sii wadi doonaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta, gaar ahaan meelaha ay isku dayayaan inay mar kale ku soo dhuuntaan.