Axad, Agoosto 10, 2025 (HOL) - Shir qorshuhu ahaa in maanta lagu qabto Villa Soomaaliya, kaasoo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Badbaadada Mucaaradka, ayaa dib loo dhigay ilaa Arbacada, 13-ka Agoosto, kaddib markii lagu guul darreystay in laga heshiiyo qodobo muhiim ah oo khuseeya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Wararka laga helayo ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in dib u dhaca uu yimid iyadoo uu jiro khilaaf gudaha ah oo ka dhex jira mucaaradka, iyo sidoo kale arrimo u baahan in lagu dhameeyo wadahadal dheeraad ah oo la xiriira madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan ayaa lagu waday in uu noqdo mid lagu mideeyo mowqifka siyaasadeed ee dhinacyada si loo dhiso xal siyaasadeed oo mideysan, laguna dejiyo jihada doorashooyinka dalka ee soo socda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dadaallo socda ay ku jiraan dhinacyada si loo xalliyo khilaafaadka ka hor inta aan la gaarin maalinta cusub ee shirku qabsoomayo.
Waxaa la filayaa in labada dhinacba ay siyaabo kala gooni gooni ah ay uga hadli doonaan caqabadihii maanta ka horyimid inuu shirka horey u sii socdo, maadama wareeg 5aad ay hadda ku balameen in Arbacada ay is arki doonaan, balse waxa wali miiska saaran ka laabashada madaxweynaha wax kabadelka Cutubta 4aad ee Dastuurka iyo in heshiis lagu wada noqdo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhaceysa 2026.