8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 10, 2025
Dowladda Fedaraalka oo sheegtay iney dhaqan gelisay nidaamka Casiriga ee Dad dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah
 

Axad, Agoosto 10, 2025 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxafadeed ay ku sharaxeyso muhiimadda uu leeyahay adeegga dad dhigista iyo tirakoobka madaniga, iyadoo la adeegsanayo hab casriga ah.

Wasaaradda ayaa Warsaxafadeedka ku sheegtay in 10ka Agoosto oo maanta ku beegan in loo asteeyay in Afrika ay xusto maalintaan loo gaarka yeelay in lagu ogaado raadinta xuquuqda dadka degen meelaha fogfog ee aan marin nidaamka dad dhigista iyo tirakoobka.

10-kii Agoosto ee sanadkii 2018 ayaa la asteeyay in la xuso maanta oo kale, kadib shirweynihii 32-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika maadaama ay jiraan dad badan oo aanay ku jirin diiwaanka dowladahooda duruufo isbiirsaday awgood.

"Ujeeddada maalintan waa in kor loo qaado wacyiga ku saabsan muhiimadda nidaam CRVS oo shaqaynaya, isla markaana loo helo taageero buuxa oo lagu xoojinayo dadaallada qaran iyo kuwa goboleed. Sidoo kale, xuskan waa madal lagu mideeyo hay’adaha dowliga ah, bulshada rayidka, ururrada caalamiga ah, iyo daneeyayaasha kale si loo hubiyo in kheyraadka CRVS si hufan loo isticmaalo" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha. 

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya waxay sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in 19 degmo oo ku kala yaala qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka iney ka hirgelisay adeegga dhijitaalka dad dhigista mideysan.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo Wasaaradda oo dhameystiran:-