Isniin, Agoosto 11, 2025 (HOL) - Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sareeye Guud Sam Kavuma, ayaa booqday magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, taas oo dhowaan laga xoreeyay gacanta Al-Shabaab kadib howlgal milatari oo socday laba toddobaad.
Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen ciidamada AUSSOM (oo ay hoggaaminayaan Uganda) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF), isagoo ku tilmaamay guushan “tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka nabadda iyo amniga Soomaaliya.”
S/Guud Kavuma oo ay wehliyeen saraakiil sare ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya AUSSOM iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga adkaado khatarta Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed, S/Guuto Khalid Abdullahi, ayaa uga mahadceliyay AUSSOM iyo saaxiibada caalamiga ah taageerada ay siiyeen howlgallada ay hogaamiyaan ciidanka Qaranka, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay u muhiim tahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga.
Sidoo kale, General Joseph Musoke Ssemwanga, oo ah Taliyaha qeybta Uganda ee AUSSOM, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay AUSSOM hirgelinta Qorshaha ay Ciidamada Soomaaliya ay guud ahaan kula wareegayaan ammaanka Soomaaliya.
Magaalada Bariire, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa la xoreeyay maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay kadib howlgal ballaaran oo ay iska kaashadeen AUSSOM, Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF), iyo SNAF, Howlgalkan ayaa loo arkaa mid istiraatiiji ah oo fure u noqon kara sugidda amniga deegaannada kale ee gobolka.