8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 11, 2025
Puntland oo shacabkeeda uga digtay inay ku dhex dhuuntaan firxadka kooxda Daacish
 

Isniin, Agoosto 11, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliiska Puntland ayaa shacabka deegaanadiisa ugu baaqay inay ka feejignaadaan suurtagalnimada in firxadka Daacish ay ku dhuuntaan bulshada dhexdeeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ay socdaan howlgallo cirka iyo dhulka ah oo lagu doonayo  in lagu ciribtiro haraadiga kooxda Daacish ee ku sugan Togga Baallade iyo dhulka ku dhow.

Booliiska ayaa warkiisa ku sheegay in hawlgalka haatan uu marayo wejigiisii ugu dambeeyay, iyagoo tilmaamay inay socdaan diyaargarow cusub oo lagu xaqiijinayo in firxadka Daacish aysan helin meel ay ku dhuuntaan.

Warkan ayaa kusoo beegmay markii xalay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay duqeymo culus ka geysteen togga Baallade, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagalamayaal ka tirsan kooxda Daacish oo loo gali waayay aaggooda.. 

Ilo-wareedyo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay HOL in duqeyntan si gaar ah loogu beegsanayo xubno ka tirsan Daacish oo lagu sheegay inay isku uruursanayeen deegaannada Maraagade iyo Yucrin ee togga Baallade.

Puntland waxay sheegtay inay 700 askari oo cusub ku biirisay howlgallada ka socda Buuraha Cal Miskaad, iyadoo qorshaynaysa in bisha September lasoo afjaro howlgalka Daacish oo soo bilowday bishii December ee sanadkii hore.