8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 11, 2025
Labo Askari oo Horey uga Tirsanaa Xoogga Dalka oo Lagu Fuliyey Xukun Dil ah oo ay Horey u Ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida
 

Isniin, Agoosto 11, 2025 (HOL) - Labo askari oo horey uga tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoobar, ayaa maanta lagu fuliyey xukun dil ah, kadib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay horey ugu heshay dambiyo la xiriira dil iyo ku shaqeyn fikirka Al-Shabaab.

Labada askari ee la toogtay ayaa kala ahaa, Ex Alifle Xoogga Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Xoogga Aadan Isaaq Yarow, oo sidoo kale loo yaqaan "Salaad Koofi", Maxkamadda ayaa ku heshay dambiga ah in ay si toos ah uga qayb qaateen dilka Abaanduulihii Ururka 83-aad, Ex Dhamme Xoogga Ceydiid Maxamed Cali, kaasi oo lagu dilay qarax si dhuumaalaysi ah loogu dhajiyey sariirtiisa.

Sida lagu sheegay warbixinta maxkamadda, Buulle iyo Salaad Koofi ayaa la shaqeynayay kooxda Al shabaab, iyagoo gudaha ugalay xerada ciidanka, taasoo sahashay in ay si fudud u geliyaan miinada lagu dilay Abaanduulaha.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in go’aanka fulinta xukunka uu ahaa mid dhab ah oo la marsiiyay dhammaan hanaanka sharciga ah, iyadoo markhaatiyo, cadeymo iyo qiraalo ay door weyn ka ciyaareen go’aanka maxkamadda.

Xukunka dilka ah ayaa maanta si rasmi ah looga fuliyay ragaan, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo xubno ka socday hay’adaha garsoorka ay goobjoog ahaayeen.

Fulinta xukunkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso in lagu xakameeyo khatarta Al shabaab iyo saameynta mararka qaar ee soo ifbaxda ay ku yeshaan gudaha ciidamada.