Isniin, Agoosto 11, 2025 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal aroornimadii hore ee saakay ka dhacay duuleedka magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kaasoo dhexmaray ciidanka dowlada Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka saakay ay ka dhacay tuulada Aamin iney ka dambeeyeen ciidan ka amar qaata madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Dagaalka maanta ka dhacay duuleedka degmada Baladxaawo, gaar ahaan tuulada Aamin ayay Wasaaraddu xaqiijisay in dhinaca dowlada uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kasoo gaaray ciidanka dowladda.
"Intii uu socday iska caabinta weerarka, laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku geeriyooday — Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni — halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo xarumo caafimaad, xaaladda deegaanku waa mid deggan, waxaana Ciidanka Qaranku ay si buuxda ugu hawlan yihiin xaqiijinta amniga, ilaalinta xasilloonida, iyo badbaadinta shacabka ku nool gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya
Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka Wasaaradda lagu sheegay in ciidanka Federaalka ay si buuxda ula wareegeen xeradii ay ku sugnaayeen askarta ciidanka Jubbaland, islamarkaana ciidanka dowlada ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga guud ee deegaanada hoostaga Baladxaawo, waxaana Wasaaraddu ugu baaqday askarta Jubbaland inay hubka dhigaan ayna isku soo dhiibaan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.
“Axmed Madoobe wuuxu dagaal ka hurinayaa gobolka Gedo, ciidanka uu qalday waxaa loogu baaqaya inay hubka dhigaan, islamarkaasna ay ku soo biiraan maamulka” ayaa lgu yiri qoraalka Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkii maanta ka dhacay tuulada Aamin ee duleedka magaalada Beledxaawo ayaa waxaa ku geeriyooday saraakiil ciidan oo ka kala tirsana dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askar oo dhaawacyadooda lakala geeyay magaalada Beledxaawo iyo magaalada xuduudka ku taala ee Mandheera.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga oo dhameystiran:- 