Isniin, Agoosto 11, 2025 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia, Danjire Cali Maxamed Abuukar ayaa soo bandhigay horumaradii u dambeeyay ee laga sameeyay xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Malaysia, isagoo shaaca ka qaaday in isbeddelo muuqda laga gaaray iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.
Danjire Cali Maxamed Abuukar, oo hadal ka jeediyay doorashada guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo ka dhacday caasimadda dalkaa ee Kuala Lumpur, ayaa ku boggaadiyay Ardayda Malaysia sida ay tusaale ugu yihiin jiilka bulshada Soomaaliyeed, markaa oo uu soo hadal qaaday, sida ay Ardayda wax ka baratay dalka Malaysia hadda door ugu qaadanayaan isbeddelada ka socda Soomaaliya.
“Waxbarashada waa waddo lagu gaari karo isbeddelka qaran kasta, ardayda Malaysia waxay muujiyeen doorkooda gudaha Soomaaliya, taasoo idin noqon karta dhiirrigelin muuqata, marka aad dalka ku laabataan.” ayuu yiri Danjire Cali Maxamed Abuukar, oo sidoo kale goobta ka xusay sida uu door muuqda u siiyay madaxweynaha Jamhuuriya Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud aqoonyahanka wax ka bartay dalka Malaysia.
Safiirka, waxaa kaloo uu boggaadiyay habka ay u dhacday doorashada guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia , oo ay ku tartameen ; Cabdicasiis Axmed Warsame iyo Maxamuud Axmed Cumar, iyadoo ugu dambeyntii uu doorashadaa oo u dhacday hab codeyn ah oo ay kor joogteyn ku lahayd safaaradda, balse ay maamulkeeda gacanka ku hayeen guddi gaar ah uu ku soo baxay Cabdicasiis Axmed Warsame, oo noqday guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia.
Dalka Malaysia ee koonfur-bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada ay waxbarashada u tagaan Ardayda Soomaaliyeed, kuwaasoo hadda door la arki karo ku leh gudaha Soomaaliya oo ay ka noqdeen hoggaamiyayaal siyaasadeed iyo ganacsi.