Isniin, Agoosto 11, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliiska Puntland ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dilka Khadar Cabdi Yuusuf Nuur, oo ahaa darawal mooto-bajaaj oo xalay lagu dilay magaalada Garowe.
War kasoo baxay taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in warbixinada horudhaca ah ay muujinayaan in marxuumka ay dileen koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey, kuwaas oo ka baxsaday goobta markii ay falka geysteen.
Warbixinta Booliiska waxaa lagu sheegay inuu ciidanku ku guuleystay qabashada dad lagu tuhmayo kiiskan. Baaritaan rasmi ah ayay sheegeen inuu weli socdo, kaasoo laga soo saaridoono faahfaahin rasmi ah dhawaan.
Booliisku waxay sheegeen in si degdeg ah sharciga loo horkeenidoono cid kasta oo ku lug leh falkaan dilka ah.
Dhinaca kale, Ehelada marxuumka ayaa diiday in la aaso marxuumka, iyagoo dalbaday in si degdeg ah loosoo qabto gacan ku dhiiglaha falkan ka dambeeyay.
Waxay sheegeen dadka kasoo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida in dilal dhowr ah loogu geystay magaalada Garowe, islamarkaasna aysan helin caddaalad.
Sanadihii ugu dambeeyay dhalinyaro badan oo shaqo la’aan uga tagay jigjiga iyo meelo oo kamid ah dhulka Dowlad deegaanka, ayaa ku qulqulayay magaalada Garowe iyo degaano kale oo katirsan Puntland.
Shaqooyinka ugu badan ee dhalinyaradan ay qabtaaan ayaa ah, ka xaynta gaadiidka bajaajta oo aad looga isticmaalo magaalada Garowe. Haatan dadka ugu badan ee ka shaqeysta gaadiidka bajaajta waa dhalinyaradan.