Talaado, Agoosto 12, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo Shire Cabdullaahi Keynaan oo shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa ku shaaca ka qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah cafis ugu fidineyso ciidamo ka tirsan Jubbaland ee ku sugan banaanka degmada Baladxaawo.
Guddoomiye Shire ayaa sheegay in fursada cafiska ee dowladda u fidisay dhamaan askarta ciidanka Jubbaland ee ku sugan daafaha magaalada Baladxaawo ee la dagaalamayay mudooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Fedaraalka.
Shire Cabsullaahi Keynaan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya in ay dhowrto deris wanaagga kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana ay gacan ka geysato sidii hubkii looga qaadi lahaa ciidanka Jubaland ee gudaja u galay xadka beenaadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya.
“Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay inay cafis u fidiso askarta Jubbaland ee ku sugan bannaanka degmada hadii ay isa soo dhiibaan, lana shaqeeyaan ciidanka dowladda,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Baladxaawo Shire Cabdullaahi.
Guddoomiye Shire ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool degmada Baladxaawo iney ciidamada amaanka kala shaqeeyaan xasiloonida guud ee deegaanka ayna fogaadaan wax kasta oo keeni kara nabadgelyo darro.
Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa kusoo aadaya, iyadoo kadib dagaal culus oo shalay aroortii hore ka dhacay duuleedka degmadaasi, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca saraakiil iyo askar ka kala tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.