Talaado, Agoosto 12, 2025 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubka gaarka ah ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan oo muhiim ah ka fuliyey deegaanka Darusalaam, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkan oo ahaa mid si xeel dheer loo diyaariyey ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo ay kooxda Al-Shabaab ka dhiganayeen gabaad iyo saldhigyo abaabul, Sida lagu sheegay war kasoo baxay milatariga, goobahaas ayaa ahayd halka laga soo maleegi jiray falal amni-darro ah oo lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ururka 195-aad, Dhamme Maxamed Cumar Duufaan, ayaa sheegay in howlgalku uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey, isla markaana looga gol lahaa in laga hortago dhagarta iyo dhibaatada ay Al shabaab ku hayaan dadka deegaanka.
Wuxuu intaas ku daray in howlgalka lagu burburiyey goobo istiraatiiji ah oo Al shabaab u adeegsan jireen, taasoo hoos u dhigi doonta awooddooda deegaankaas.
Ciidamada kumaandooska Gorgor ayaa si gaar ah kuwa u tababaran dagaalka ay Dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab, Guulaha ay ka gaareen howlgallada noocan oo kale ah ayaa sare u qaaday kalsoonida shacabka ee dhinaca ammaanka, waxaana lagu tilmaamay mid muhiim u ah dadaalka ay dowladda Federaalka ku doonayso in lagu soo afjaro argagixisada.