8/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 12, 2025
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Madaxa howlgalka AUSSOM kala hadlay dardargelinta dagaalka Al-shabaab
 

Talaado, Agoosto 12, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo uu wehlinaayay  Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho madaxa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiil kale.

Kulankan ayaa ahaa mid labada dhinac ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo isku duwidda ka dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo howlgalka AUSSOM, sida hirgelinta qorshaha amniga kala wareejinta iyo dardar gelinta howlgalada socda dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab. 

Waxaa sidoo kale dhinacyada ay iska wareysteen sidii loo laba jibaari lahaa howlgalada ka socda inta badan gobolada dalka ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa AUSSOM uga mahadceliyey kaalinta muuqata oo ay ku leedahay taageerada amniga iyo dadaalada xasillinta dalka.

Madaxa Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa dhankiisa sheegay in AUSSOM ay ka go'an tahay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii looga ciribtiri lahaa guud ahaan Soomaaliya. 

Ugu dambeyntii kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AUSSOM ay si wadajir ah ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaalo khasaare badan geystay oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada is kaashanaya iyo kuwa maleeshiyaadka Al-shabaab.