Talaado, Agoosto 12, 2025 (HOL) - Dr. Aisa Kirabo Kacyira, oo ahayd Madaxii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taakulaynta Soomaaliya (UNSOS), ayaa geeriyootay iyadoo jirta 61 sano.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska UNSOS ayaa lagu xaqiijiyay geerida ku timid haweeneydan oo sidoo kale ahayd Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Dr. Aisa Kirabo Kacyira, isagoo ku tilmaamay “hoggaamiye adkeysi leh oo kaalin waarta ku yeeshay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyskeeda, shacabka iyo dowladda Rwanda.
Dr. Kirabo, ayaa u geeriyootay kadib xanuun ay muddo la tacaalaysay. Waxay horey u soo noqotay Duqii magaalada Kigali ee dalka Ruwanda, Safiir, Ku-xigeenka Madaxa Fulinta, iyo Wakiilka Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee hay'adda UN-Habitat.
Waxay lahayd waayo-aragnimo ka badan 30 sano oo ku saabsan diblomaasiyadda, hoggaaminta siyaasadda, gurmadka bani’aadamnimada iyo horumarinta heer maxalli, qaran iyo caalami.
Intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2006, waxay ahayd xubin ka tirsan baarlamaanka dalka Rwanda, halkaas oo ay door muhiim ah ka qaadatay dejinta sharciyada iyo kormeerka shaqada baarlamaanka.