Hiiraan Online
10/16/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Wararka Maanta- Jimco, Aug 15, 2025
Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgal qorsheysanaa ka fuliyay Koonfurta gobolka Mudug
Jimco, Agoosto 15, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysnaa oo maanta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ka fuliyeen deegaanka Faarax Aadan ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Ciidamada is kaashanaya ayaa weerar ku beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo halkaasi ku lahaa saldhigyo ciidan, hayeshee lama soo warin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in weerarka uu mid ay uga hortagayeen abaabulo ay kooxdu ka waday deegaanka Faarax Aadan.
Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in howlgalka ay ku burburiyeen fariisimahii iyo gabaadyadii kooxdu ku laheyd deegaanka, islamarkaana uu wali socda howlgalo lagu sii baacsan haayo maleeshiyaadka.
Ugu dambeyntii deeganada dhaca Koonfurta gobolka Mudug waxaa inta badan ka dhaca howlgalada noocaan oo kale ah ee ka dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada ku yaala Koonfurta gobolkaas.