8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2025
Safiir Riley iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u Qaabilsan Soomaaliya oo kawada hadlay Dagaalka Al Shabaab
 

Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Riley, ayaa ku qaabilay xarunta safaaradda El Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, waxaana ay kawada hadleen dagaalka Al Shabaab.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, iyada oo Mareykanku muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu si dhow ula shaqeeyo Wakiilka Midowga Afrika si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab.

Danjire Riley ayaa sheegay in iskaashi buuxa lala yeesho Midowga Afrika uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay socdaan dadaallada lagu taageerayo amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

"Waxaan rajeyneynaa wada-shaqeyn miro dhal ah oo dhex marta Mareykanka iyo Midowga Afrika, si loo taageero dadaallada Soomaaliya ee la-dagaalanka xagjirnimada iyo argagixisada."ayuu ku yiri Safiirka Mareykanka qoraal uu soo dhigay bartiisa X.