8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2025
Qoysaskii ka barakacay dagaaladii ka dhacay Baladxaawo oo dib ugu laabanaya guryahooda
 

Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) - Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo labadii maalin ee lasoo dhaafay xaaladeedu daganeyd ayaa waxaa dib ugu soo laabanaya guryahooda dadkii ka barakacay dagaaladii qaraara ee labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku dhexmarayay gudaha iyo daafaha magaaladaas ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland. 

Boqolaal shacab ah ayaa la arkaayay saacadahii lasoo dhaafay, iyagoo dib uga soo laabanaya goobahii ay horay ugu barakaceen oo kala ahaa xadka Mandhera iyo deegaano kale oo ku yaala duuleedka magaalada Baladxaawo. 

Qaar ka mid ah qoysaskan dib ugu soo laabtay magaalada Baladxaawo ayaa warbaahinta u sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada guryahoodii ay uga barakaceen dagaalkii ugu dhaceeyay ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland. 

"Barakac dhibkiisa waxaa garanaya qofkii hoygiisa ka carara, waxaan mudo 10 maalin ah daganeyn dhul banaan oo maalintiina cadceedu laga joogi karin habeenkiina qabow daran u soo dhacayo, waxaana inoo sii dheera cuno la'an biyo la'an, waa Alle mahadiis hadan gurigeygii dib ugu soo noqday" ayuu yiri mid ka mid ah dadka dib ugu soo laabtay gurigiisi Baladxaawo. 

Dib u soo laabashada qoysaskaan horay uga cararay dagaaladii ka dhacay Baladxaawo ayaa kusoo aadeysa, iyadoo ciidamada dowladda ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta guud ee degmada Baladxaawo 30-kii bishii lasoo dhaafay ee July, islamarkaana loogu baaqay dadkii barakacay iney dib ugu soo laabtaan guryahooda.