8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2025
Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Hiiraan
 

Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysnaa oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka oo Xalay ay ka fuliyeen deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan. 

Warsaxafadeed kasoo baxay hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka si gaar ah loogu beegsaday guri ku yaala deegaanka Abooreey oo ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalkaan qorsheysnaa ayaa NISA ay tilmaamtay in lagu dilay ilaa sideed xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku hawlanaa abaabulka falal wax u dhimaya amniga shacabka deegaanka.

"Howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta la bartilmaameedsaday, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA. 

Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA laguma shaacin magacyada horjoogayaasha Al-shabaab looga dilay howlgalkan Xalay laga fuliyay gudaha deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan. 

Howlgalkan Xalay ka dhacay Abooreey ayaa kusoo aadaya, iyadoo hay'adda NISA ay kordhisay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada gobolada dalka oo ay gacanta ku hayso kooxdu.