Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in maamulka gobolka ka go’an yahay in canshuurta laga qaado shacabka lagu hormariyo adeegyada bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha muhiimka u ah nolosha magaalada.
Muungaab ayaa xusay in dhowaan la furi doono qaar ka mid ah waddooyinka xiran ee ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan kuwa aan sababeen khatar dhanka amniga ah, si loo fududeeyo isu socodka shacabka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.
"Muhiimaddu waa in shacabka ay arkaan wax ku soo noqda ee canshuurtooda ah, oo loogu adeegi doono dhinacyada horumarka adeegyada caafimaadka, wadooyinka, nadaafadda iyo amniga,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Wuxuu sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isagoo xusay in nabadgelyadu ay tahay mas’uuliyad wadaag ah oo u baahan iskaashi iyo kalsooni.
“Amniga waa waajib wadajir ah. Dowladdu waxay qaadaysaa masuuliyadeeda, balse sidoo kale waxaan ka rajeynayaa shacabka in ay kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta nabadda iyo taageeridda dadaallada horumarineed,” ayuu yiri.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa haatan ku guda jira qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo kaabayaasha magaalada, taas oo qeyb ka ah aragti fog oo la doonayo in Muqdisho uga mid noqoto caasimadaha casriga ah ee gobolka Geeska Afrika.
Hadalkaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ka sheegay munaasabad dhagax-dhiga dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo inta u dhaxeysa waddada Cabdiqaasim iyo Banaadir ee Degmada Hodan.