8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 2 , 2025
Xukun Toogasho ah oo lagu riday Askari ka tirsan Haramcad oo si bareer ah u dilay muwaadin muruqmaal ahaa
 

Sabti, Agoosto 2, 2025 (HOL) - Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku xukuntay dil toogasho ah Ex-Dable Boolis Bakar Cabdicasiis Maxamed, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, kadib markii lagu helay dambi ah dil bareer ah oo uu u geystay muwaadin Soomaaliyeed oo muruqmaal ahaa, Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Dilkan foosha xun ayaa dhacay 28-kii June 2025, xilli uu eedeysanuhu ku sugnaa agagaarka Masjidka Cali Boolaay ee degmada Waabari, Sida ay warbixinta baarista muujineyso, Bakar Cabdicasiis ayaa marxuumka u dilay kaliya kadib markii uu yiri: "Maxaad iisoo fiirisay?", taas oo ahayd weedh aan wax macne ah xambaarsaneyn, balse sababtay dhimashada qof aan waxba galabsan.

Dilka kadib, eedeysanaha ayaa goobta ka baxsaday isagoo saarnaa mooto Bajaaj (Fekon), hase yeeshee isla maalintaasi ayey hay’adaha amniga gacanta ku dhigeen, xilli uu ku sugnaa degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa si degdeg ah u bilaabay baaritaan qoto dheer, waxayna 27-kii July codsadeen in maxkamaddu qaadato dacwaddan, Garsoorka Maxkamadda Ciidamada ayaa si taxaddar leh u dhageystay markhaatiyada, caddeymaha la xiriira kiiska, iyo dooda dhinacyada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in maxkamaddu ay go’aamisay in dambiile Bakar Cabdicasiis lagu fuliyo xukun dil ah, oo ah qisaasta marxuumka.

Marxuum Cali Iskoow Daa’uud, ayaa la sheegay inuu ahaa muwaadin muruqmaal ah, oo nolol maalmeedkiisa ka heli jiray shaqooyin culus, islamarkaana aan lahayn wax danbi ah, Ehelkiisa iyo bulshada deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda, iyagoo ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha amniga in ay la xisaabtamaan cid kasta oo ku xadgudubta nolosha shacabka.

Dilka marxuumka iyo xukunka dilka ah ee lagu riday eedeysanaha ayaa markale dib u soo celiyay doodda ku saabsan mas’uuliyadda ciidamada amniga ee ilaalinta nolosha rayidka, Dadweynaha ayaa si isdaba joog ah u dalbanaya in la kordhiyo tababarka iyo anshaxa ciidamada, si looga hortago falalka gurracan ee ka dhaca magaalada.