8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2025
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo qorsheynaya dib ula wareegista degmada Maxaas
 

Axad, Agoosto 3, 2025 (HOL) - Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ka bilaabay deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan abaabul xoogan oo ay ku doonayaan iney kooxda Al-shabaab kaga saaraan degmada Maxaas.

Ciidamada iskaashanaya oo 27-kii bishii lasoo dhaafay lagala wareegay degmada Maxaas ayaa haatan bilaabay qorshahii ay markale dib ugula wareegi lahayeen degmada istaraatiijiga ah ee Maxaas.

Abaabulkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaanada hoostaga Maxaas ay si weyn u buux dhaafiyeen ciidamada Macawiisleyda oo isaga kala yimid deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda Hiiraan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney u diyaar garoobeen dib u xureynta deegaanada ku yaala gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqyadan ciidan ee markale dib uga bilaawday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bishii lasoo dhaafay ee July Maleeshiyaadka Al-shabaab ay la wareegeen degmooyinka Moqokori iyo Maxaas oo ahaa laba degmo oo muhiim u ahaa la dagaalanka Al-shabaab.