8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2025
Soomaaliya oo kaalinta 2aad ka gashay dalalka Afrika ee kooxaha xagjiriinta ka geysteen dhimashada ugu badan
 

Axad, Agoosto 3, 2025 (HOL) - Weerrarada kooxaha xagjiriinta ee ka hawlgala qaaradda Afrika ayaa sababay dhimashada in ka badan 155,000 qof tobankii sano ee la soo dhaafay, iyagoo weli ah kuwa ugu firfircoon ee sababaya xasilooni-darro baahsan, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ee Afrika (ACSS).

Warbixintu waxay muujinaysaa in inta u dhaxaysay 2016 ilaa 2019, celcelis ahaan 10,774 qof ay sannadkii u dhinteen weerarro la xiriira kooxahan, waxaana inta badan dhibaatadu ka dhacday Saaxilka, Soomaaliya, Waqooyiga Afrika, Mozambique iyo aagga harada Chad. Intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2022, tiradaasi waxay kor ugu kacday 13,950, halka laga bilaabo 2022 ilaa 2025 ay sare u dhaaftay 22,315 sannadkii.

Sannadkii la soo dhaafay oo kaliya, 22,307 qof ayaa lagu dilay weerarro lala xiriirinayo kooxahan, waana heerkii ugu sarreeyay ee la diiwaangeliyo tan iyo 2023. Saaxilka ayaa kaalinta koowaad galay iyadoo halkaas lagu dilay 10,685 qof, halka Soomaaliya ay kaalinta labaad ku jirto iyadoo laga diiwaangeliyay 7,289 dhimasho. Marka lagu daro harada Chad, saddexdan gobol ayaa ka dhigan 99% dhammaan dhimashooyinka lala xiriirinayo kooxaha mintidiinta Afrika sanadkii la soo dhaafay.

ACSS waxay sidoo kale sheegtay in kooxahan ay ballaariyeen dhulalka ay ka taliyaan, gaar ahaan Soomaaliya iyo Saaxilka, iyadoo ay haatan jiraaan ku dhowaad 950,000 km² oo dhul ah.

Intii lagu guda jiray tobankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya iyo dalalka ku teedsan harada Chad (Nigeria, Cameroon, Chad iyo Niger) ayaa ahaa goobaha ugu dhimashada badan, laakiin tan iyo 2022, Saaxilka ayaa noqday meesha ugu dhimashada badan, iyadoo hadda Soomaaliya iyo Saaxilka mid walba laga diiwaangeliyay in ka badan 49,000 dhimasho, halka aagga harada Chad laga diiwaangeliyay ku dhowaad 39,000.

ACSS waxay ku adkaysatay in dhacdooyinkan ay muujinayaan baahida loo qabo feejignaan joogto ah si loo hor istaago isku xirka sii xoogaysanaya ee kooxaha xagjiriinta ee Afrika iyo kuwa caalamiga ah.