8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 3 , 2025
Hoggaamiye Firdhiye oo Somaliland ugu baaqay nabad, isla markaana sheegay in maamulkiisu u taagan yahay midnimo
 

Axad, Agoosto 3, 2025 (HOL) - Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa Somaliland ugu baaqay in ay nabad qaadato, isaga oo sheegay in dagaalku aanu keeni karin natiijo la mahadiyo.

Waxa uu sheegay in gooni-isu-taagga Somaliland uu dhibaato ku yahay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay iyagu deggan yihiin halkii ay Soomaalidu iskaga xidhmaysay, sidaa darteedna aysan ogolayn in Soomaalidu kala go'do.

"Waa masuuliyad Eebbe inaga saaray, laynagu eegayo; meesha aynu joogno haddii looga ololaynayo in Soomaaliya la kala gooyo, cidina isku hayn karimayso. Sidoo kale, haddii aan laga doonayn kala goynta, cid kala goyn kartaa ma jirto," ayuu yidhi Firdhiye.

Waxa uu sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu yahay mid ku yimid rabitaanka shacabka, isla markaana uu u taagan yahay nabadgelyo, horumar iyo Soomaalinimo.

"Walaalaha soo bu'aya waxaan leeyahay: waar nabadda ayaa naas la nuugo leh. Colaadda, dagaalka iyo dirirtana hore ayaynu u soo aragnay. Waxa aad u hanqaltaagaysaan ee aad isleedihiin xaqiijiya ma jiri karaan," ayuu yidhi Firdhiye, isaga oo ka jawaabaya go’aankii Golaha Wasiirrada Somaliland.

Go'aamo laga soo saaray shir ay shalay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland aanay marnaba ogolaan doonin in maamulka Waqooyi Bari uu taabo qaado, isla markaana Sool iyo Sanaag ay yihiin qayb ka mid ah Somaliland.