Isniin, Agoosto 4, 2025 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay agagaarka tuulooyinka Deegaanleey, Muryaale, iyo Ceelka Waranle, kuwaas oo ku teedsan wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in ay si qarsoodi ah ku galeen deegaannadaas, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ka wadeen falal dhibaato ku ah Shacabka Tuulooyinkaasi.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayay ku sheegtay in Kooxdaani ay ku howlaneyd Lacago baad ah oo xoog looga uruuriyo Shacabka, Boob iyo dhac loo geysto hantida dadka shacabka ah, Cabsigelin iyo handadaad joogto ah oo lagu hayo shacabka deegaanka.
Ciidanku waxay ku guuleysteen in ay ka saaraan kooxdaas qaybo kamid ah goobaha ay isku dayayeen in ay ku dhuuntaan sida ay xustay Wasaaradda.
Sidoo kale, waxaa la qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda, kuwaas oo haatan baaritaanno lagu hayo si loo xaqiijiyo kaalintooda la xiriirta falalka argagixisada.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan, si loo sugo amniga deegaannada ay dadka rayidka ahi ku nool yihiin, loogana ciribtiro kooxaha nabadda diidan.