8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2025
Maraykanka oo xaqiijiyay inuu duqayn ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay Shabeellada Hoose
 

Isniin, Agoosto 4, 2025 (HOL) - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (US Africa Command) ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay duqeymo cirka ah la beegsadeen kooxda Al-Shabaab, intii lagu jiray dagaallo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya maalintii Jimcaha. 

AFRICOM ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqeymaha, marka laga reebo in lagu taageerayay dowladda Soomaaliya ee ay Mareykanku taageeraan, duqeymahana lagu qaaday agagaarka deegaanka Bariire, oo ku yaalla qiyaastii 30 mayl galbeed ka xigta Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dishay 20 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, isla markaana ay burburisay gaadiid dagaal.

Mareykanka ayaa wali sii xoojinaya taageerada uu siiyo dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho, isagoo sii wadaya duqeymaha cirka ah. Mareykanku wuxuu sidoo kale duqeymo ka geystay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo uu taageero ka siiyo ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah ee ISIS.

Lama cadda tirada saxda ah ee duqeymaha Mareykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliy, balse tirada guud ee duqeymaha Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya sanadkan waxay gaareysaa 55.

Maamulka Trump ayaa qaaday weerarro cirka ah oo heer taariikhi ah ah, iyadoo u dhow inay jabiso rikoodhkii sanadlaha ahaa ee 63 duqeyn ee uu dhigay Madaxweyne Trump intii lagu jiray sannadkiisii ugu horreeyay ee 2019.