8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2025
Puntland oo Dowladda Turkiga ku wareejisay markabkii hubka siday ee lagu qabtay xeebaheeda
 

Isniin, Agoosto 4, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Boosaaso ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Turkiga, oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş. 

Wafdig ka socday Dowladda Turkiga ayaa u tagay Puntland si ay u dhammeystiraan wada-xaajood muddo socday oo la xiriira markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran, taasoo markii hore muran iyo tuhun amni dhalisay.

Puntland ayaa shaacisay inay markabka iyo hubka saarna ku wareejisay Dowladda Turkiga, kaddib markii ay heshay caddeymo rasmi ah oo muujinaya in dhammaan hantida saaran markabka ay leedahay Dowladda Turkiga. Arrintan ayaa ka dambeysay baaritaan ay sameeyeen hay’adaha ammaanka Puntland iyo is-dhaafsi warqado rasmi ah oo ay Turkiga u gudbiyeen maamulka Puntland.

Markabkan oo wata calanka dalka Comoros ayaa la qabtay 18-kii July, xilli uu marayey xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raas Caseyr, isagoo ka soo ambabaxay dekedda Izmir ee Turkiga kuna sii jeeday magaalada Muqdisho. 

Puntland ayaa markii hore sheegtay in hubka iyo gaadiidka saaran ay sheegteen dad ganacsato ah oo kasoo jeeda Muqdisho iyo sidoo kale safiirka Turkiga, taasoo dhalisay su’aalo la xiriira sharciyadda iyo cidda loogu talagalay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shixnadda loo waday xarunta tababarka milatari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho (Turkeysom), balse ma aysan soo bandhigin dukumenti rasmi ah oo arrintaasi caddaynaya.

Puntland ayaa horay walaac uga muujisay in hub sharci-darro ah uu dalka lasoo galiyo xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhex aloosan Garowe iyo Villa Soomaaliya.