8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 6 , 2025
Wasiirkii hore ee Batroolka oo dagaal afka ah ku qaaday Dowladda Soomaaliya
 

Arbaco, Agoosto 6, 2025 (HOL) - Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Soomaaliya kadib markii uu ku eedeeyay in ay ku guuldarreysatay, inay si dhab ah u hubiso aqoonsiga iyo ujeedooyinka diblomaasiyiinta ajaanibka ah ee dalka loo soo dirayo.

Cabdirisaaq oo hadalkiisa ku baahiyay baraha bulshada, ayaa sheegay in arrintan ay tahay khalad weyn iyo ceeb qaran oo muujinaysa sida uu u liito hannaanka maamul ee dowladdu ku wajahdo xiriirka diblomaasiyadeed.

“Tani waa fadeexad weyn iyo ceeb, Marka dowladda aysan ku guuleysan hawsha ugu fudud ee ah in la baaro aqoonsiga diblomaasiyiinta ajaanibka ah ee loo soo dirayo Soomaaliya, waxaa dhacaya inaad la macaamisho diblomaasiyiin leh ujeedooyin xu, Tani waa doqonimo cad,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay muran diblomaasiyadeed oo ka dhashay wakiillo ajaanib ah oo lagu eedeeyay iney wateen ajandayaal aan waafaqsaneyn madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Inkasta oo uusan si toos ah u magacaabin diblomaasiga uu ka hadlayo, hadalka Wasiirku wuxuu si guud u muujinayaa walaac ballaaran oo laga qabo sida ay dowladda federaalku u maareyso arrimaha dibadda, gaar ahaan marka ay timaado ilaalinta karaamada dalka.

Sidoo kale, hadalka wasiirkii hore ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana uu abuuray falcelin xoog leh oo ay dad badani ku taageereen aragtidiisa, halka qaar kalena ay ugu baaqeen dowladda inay si cad uga jawaabto eedeymaha noocan ah.

Waxaa si weyn ugu baahay baraha Bulshada Safiirka ay Dowladda Ethiopia usoo magacowday Soomaaliya uu ahaa shaqsi si weyn u taageerayay in Somaliland ay ka go'do Soomaaliya markii uu taagnaa khilaafka Dowladda Federaalka iyo Ethiopia ee ka dhashay heshiiski marin biyoodka ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia.