Arbaco, Agoosto 6, 2025 (HOL) - Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada dalalka ay ciidamadoodu ka qayb qaadanayaan hawlgalka nabad ilaalinta AUSSOM.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray waajibaadka hortabinta leh ee AUSSOM, xoojinta iskaashiga amniga, iyo sidii loo dar-dargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
“Dalalkiina waxay muujiyeen hoggaan, go’aan adag, iyo kalsooni buuxda oo ku aaddan sidii Soomaaliya u heli lahayd amni waara, Waxaan diyaar u ahay inaan si dhow ula shaqeeyo dhammaan wakiillada si aan u xaqiijinno guul waarta,” ayuu yiri Danjire Diene.
Wakiilka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dalalka Itoobiya, Kenya, iyo Uganda, oo ah kuwa hoggaaminaya taageerada millatari iyo boolis ee howlgalka AUSSOM, Wuxuu ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan ilaalinta midnimada Qaaradda Afrika iyo taageeridda geeddi-socodka nabad-dhisidda Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa, Danjire Mouktar Osman Kaire, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Sareeye Guud Sam Kavuma, Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Hillary Sao Kanu, Taliyaha Booliska AUSSOM Iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hawlgalka.
Intii kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay guulihii la gaaray tan iyo markii la bilaabay howlgalka AUSSOM, iyo caqabadaha wali taagan.
Danjire Diene wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay sii wadaan taageeradooda si howlgalka AUSSOM uu u guto waajibaadkiisa, ayna Soomaaliya ugu suurtogasho inay hesho nabad iyo xasillooni waarta.