Arbaco, Agoosto 6, 2025 (HOL) - Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in haddii la doorto in uu soo celin doono magaalada Ceerigaabo, ee xarunta gobolka Sanaag.
Firdhiye, oo u tartamaya xilka madaxweynaha ee maamulka Waqooyi Bari, ayaa sheegay in haddii markale la doorto uu Somaliland kala wareegi doono magaalada Ceerigaabo oo ay Somaliland ka taliso.
"Waxa qorshahayga ku jirta soo celinta deegaankeena maqan, ee ay ugu horrayso magaaladeenna quruxda badan ee Ceerigaabo," ayuu yidhi hoggaamiye Firdhiye.
Firdhiye ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo dagaal lagu qaado magaalada Ceerigaabo, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay maamulkiisa, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay soo ururiyaan dhaqaalihii lagu maalgelin lahaa dagaalka.
Dhawaaqa hoggaamiye Firdhiye ayaa imanaya xilli ay xukuumadda Somaliland gogol nabadeed dhigtay magaalada Ceerigaabo, si xal buuxa loogu helo xurguf soo kala dhex gashay beelaha qaarkood, isla markaana loo soo celiyo kumannaan qoys oo hore uga qaxay magaalada.
Shir ay dowladda federaalku taageeraysay oo dhawaan ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa lagaga dhawaaqay maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inuu ka koobnaan doono gobollada Sool, Sanaag, iyo Togdheer, kuwaas oo ay hadda Somaliland gacanta ku hayso qaybo ka mid ah.
Maamulkan cusub ayaa diidmo kala kulmay Somaliland iyo Puntland, oo mid walba dhulkeeda u aragta dhulka laga dhisay maamulka, waxayna si cad ugaga hor yimaadeen warsaxaafadeedyo is xigay oo ay dhinacyadu soo saareen.
Haddaba, waxa suuragal ah in ay dagaallo cusub dhex maraan dhinacyada, kadib hadalka Firdhiye, maadaama uusan jirin heshiis nabadeed oo ka dhexeeya, isla markaana ay weli kala haystaan maxaabiis.