8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 6 , 2025
Soomaaliya oo sharraxaad ka bixisay sababta ay uga qeybgashay shirka waddamada aan badaha lahayn
 

Arbaco, Agoosto 6, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir caalami ah oo ka dhacay Awaza, Turkmenistan, kaasoo diiradda lagu saarayey dardargelinta iskaashiga u dhexeeya wadamada leh iyo kuwa aan lahayn xeebaha, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha, iyo fududeynta isu socodka badeecadaha.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Isaak Maxamuud Mursal, oo hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya, ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay shirka uga qayb gashay sidii ay u xoojin lahayd doorkeeda ku aaddan taageeridda wadamada xeebaha la’a ee soo koraya, isla markaana ay u raadiso maalgashi ku wajahan dekedaha iyo jidadka istaraatiijiga ah ee kobcin kara isku socodka gobolka.

“Soomaaliya waxay ka go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato dadaallada lagu taageerayo wadamada aan badaha lahayn, si kor loogu qaado iskaashiga gobolka iyo horumarka wadaagga ah,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda.

Shirka, oo ay Qaramada Midoobay qabanqaabisay, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo Barnaamijka Awaza ee 2024–2034, waxaana Soomaaliya ay sheegtay in ay ka go’an tahay kaalin muuqata iyo iskaashi horumarineed oo dhexmara dalalka deriska ah.

“Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu fure u yahay raadinta maalgashi ku wajahan dekedaha iyo kaabeyaasha isku xira dalalka gobolka, si badeecaduhu si fudud oo qiimo jaban ah ugu gudbaan.” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir ku xigeenka.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa hadal hayn badan ka dhalatay ka qeybgalka Soomaaliya ee shirka wadamada aan badaha lahayn, maaddaama Soomaaliya dhowaan ay si cad uga hortimid ka qeybgalka dhoolatus ciidan oo ay xeebaha ka sameynayeen dalal aan bad lahayn.