Arbaco, Agoosto 6, 2025 (HOL) - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) iyo Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa ku dhawaaqay isbeddel cusub oo muhiim u ah nidaamka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Tani waxay timid kadib shir muhiim ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee HSJ, looguna magac daray Shirka Wada Shaqeynta iyo Sare u Qaadista Sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed, Shirkaas oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada hay’adood, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka baasaboorka, loo sugilahaa tayada xogta muwaadiniinta, loona dhisi lahaa nidaam isku dhafan oo casri ah.
Go’aamada Laga Gaaray Shirkaan waxaa qeyb ka ah in Laga bilaabo 1-da September 2025, dhammaan codsiyada Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, Qof aan heysan kaarkaas ma codsan karo baasaboorka, sidoo kale Laga bilaabo 1-da January 2026, dhammaan dadka safar ku maraya gudaha dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa in ay wataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo xogtooda shaqsiga ah
Tallaabadan waxay qeyb ka tahay istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dhisidda hay’ado casri ah, nidaam ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, iyo adeegyo u fudud muwaadiniinta helitaanka dukumentiyada muhimka u ah noloshooda.
Waxaa sidoo kale looga gol leeyahay in la helo baasaboorka Soomaaliyeed oo sumcad iyo aqoonsi sare ku leh caalamka, loona gudbo nidaam sugan oo la jaan qaadaya heerarka caalamiga ah.