8/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 6 , 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka

Arbaco, Agoosto 6, 2025 (HOL) -  Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Lataliyahiisa amniga Qaranka u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf.

Magacaabista Lataliyaha cusub ee amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaaneysa, kadib markii uu dhawaan xilkaasi iska casilay La taliyahii hore ee madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamuud.

Lataliyaha cusub ayaa qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu sheegay in Danjire Aweys Xaaji Yuusuf uu yahay shaqsi khibrad qoto dheer u leh arimaha ku saabsan maamulka iyo amniga qaranka.

Latalaiyaha cusub ee amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Aweys Xaaji ayaa horay xilal sare uga soo qabtay qaar ka mid ah dowladahi dalka soo maray, wuxuna soo maamulay Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka sanadahii (2012–2016), halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib u habaynta dowladda.

"Wuxuu soo hogaamiyay wadahadalada heer sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah. Sanadihii u dhaxeeyay 2023 ilaa 2025 ayuu soo noqday, Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga, isagoo door ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa Lataliye Aweys u rajeeyey inuu doorkiisa ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, wuxuuna sidoo kale uga mahad celiyay madaxweynaha Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud howlihii uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay oo aheyd tan iyo bishii May ee sanadkii 2022.