
Khamiis, Agoosto 7, 2025 (HOL) - Ugu yaraan 7 muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa u dhintay gaajo iyo harraad kadib markii doonidii ay saarnaayeen uu badda ku ciladoobay, iyaga oo safar tahriib ah kaga soo ambabaxay magaalada Bosaaso, kuna wajahnaa xeebaha koonfureed ee Yemen.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Hey’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), doonida ayaa siday 250 muhaajiriin Itoobiyaan ah, waxaana la filayay in safarka uu qaato 24 saacadood.
Doonidaan ayaa ugu dambeyn gaartay xeebta Arqa ee gobolka Shabwah, ee Yemen, iyadoo xaaladda rakaabka saarnaa ay aad u liidatay.
Sida ay sheegtay IOM, 7 qof ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inay dhinteen intii lagu jiray safarka, halka kuwa kale ay ku sugnaayeen xaalad caafimaad oo liidata.
Kooxaha caafimaad ee IOM ayaa si degdeg ah u gaaray goobta waxayna siiyeen dadka badbaaday biyo nadiif ah, cunto, iyo daryeel caafimaad, iyadoo qaar badan lagu daweeyay xarumo caafimaad kadib markii ay la ildarnaayeen fuuq-bax, nafaqo-darro iyo dhaawacyo kale.
Wakiilka IOM ee Yemen, Cabdul-Sataar Cisoyif, ayaa sheegay in muhaajiriinta ay soo mareen safar argagax leh oo aan la qiyaasi karin.
“Toddobaad ayay badda dusheeda saarnayaan, iyagoo aan haysan cunto iyo biyo ku filan, Waxay ahaayeen xaalad nafsi ahaan iyo jireed ahaanba aad u adag, Tani waa masiibo bani’aadantinimo oo kale.” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay sii socon doonaan musiibooyinka noocan ah haddii aan si dhab ah wax looga qaban sababaha dadka u khasbaya inay tahriibaan, sida sababaha dhaqaale, shaqo la'aanta, colaadaha iyo rabshadaha ka jira dalalka qaar ee geeska Afrika.